Home wararka Dalka Daawo Sawirada Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle oo Boosaaso Lagu...

Daawo Sawirada Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle oo Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay’

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Cali Geedi iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo Arbaca ah gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland,maamulka gobolka Bari,maamulka degmada Boosaaso iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa kuso dhoweeyay Boosaaso.

Cali Maxamed Geedi ayaa mid mid u gacan qaaday dadweynaha iyo Madaxda soo dhoweeyay,kuwaas oo watay caleemo qoyan iyo calanka Puntland.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhoweeyay Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Cali Maxamed Geedi ayaa ka qayb galaya Munaasabada lagu Daahfurayo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,taasi oo dhici doona maalinta Jimcada hadduu eebe raali ka noqdo.

Wufuud kala duwan ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana magaaladu ay gashay jawi ka badalan midkii ay horay ugu jirtay.

gedi1 gedi2 gedi4 gedi5 gedi6 gedi7 gedi8 gedi9 gedi10 gedi11

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here