Home Wararka Maanta Dhacdo yaab leh Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto dhimashada laba muwaadin...

Dhacdo yaab leh Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto dhimashada laba muwaadin oo Turkey ah

0

Dhacdo yaab leh Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto dhimashada laba muwaadin oo Turkey ah.

Nin Somali Jibuutiyaan ah oo degan magaalada Ankara, ayaa xalay ku buufiyay gurigiisa sunta cayayaanka disha, waxaa daawadaas ku sumoobay oo ku dhintay nin Turkey ah iyo gadhiisa oo daris la ahaa, toban kalena waxaa la dhigay Isbitaalka.

Ninkan la eedeeyay ayaa adeegsaday sunta loo yaqaano (Aluminum Phosphate) oo loo isticmaalo beeraha balse mamnuuc ka ah adeesigeeda guryaha Turkiga. Waxay saxaafaddu tebisay in muwaadinkan Soomaaliyeed uu guriga xiray qoyskiisana oo ka waday kadib markii uu buufiyay.

Gudoomiyaha Ankara ayaa sheegay in markiiba ay guriga usoo direen hay’adaha gurmadka iyo khubaro ku takhusasay sumaha. Wuxuu intaa raaciyay in xabsiga la dhigay eedeysanaha, magaciisa iyo da’diisaba lama soo warin.

Ad
Previous articleBeesha Mursade oo Digniin kasoo Saaray Dad Looga Haysta Cadalle
Next articleBarre Hiraan oo Ku Biiray Xiisada Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here