Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Haashim Maxamed Shareere oo Qaab Shirqool ah loo Dilay Xalay ...

Gudoomiye Haashim Maxamed Shareere oo Qaab Shirqool ah loo Dilay Xalay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay gobolkaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka degmada Wanlaweyn, Marxuum Haashim Maxamed Shareere.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in guddoomiyaha xalay saq-dhexe ay kooxa hubeysan ku dileen tuuladda Buulo Xaashi ee duleedka degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha lagala dagay gaari uu la socday oo ka baxay magaalADA Muqqdisho, isla-markaana la geeyay banaanka magaalada oo lagu khaarijiyay.

Eehellada marxuumka ayaa shaaciyay in dilka uu dhacay abaare 1:00 habeenimo ee saq-dhexe, isla-markaan shirqool lagu dilay guddoomiyaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta uu falku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo maydka kasoo qaaday halkaasi, ayaga oo la geeyay Wanlaweyn.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dilkaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda ay cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Lama garan haybta kooxda ka dambeysay dilkan oo baxsatay iyo sababta rasmiga ee loo dilay Marxuum Haashim Maxamed Shareere oo ahaa guddoomiye ku ixgeenkii arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Degmadan ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay murano salka ku haya maamulka iyo dagaal beeleedyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii degmadaasi,

Si kastaba, Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo sidoo kale dagaallo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Mareykanka iyo Ujeedka Safarkaas oo la Ogaaday
Next articleShan gabdhood oo Soomaali ah oo Shil naxdin leh ugu dhintay Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here