Home galmudug Saameynta Garoonka Oshaco ee Galmudug uu ku Yeeshay Nolosha Waqooyiga Gaalkacyo iyo...

Saameynta Garoonka Oshaco ee Galmudug uu ku Yeeshay Nolosha Waqooyiga Gaalkacyo iyo Duulimaadka Garoonka Sida uu u Shaqeeyo’

0

Garoonka Oshaco ee Gaalkacyo Ayaa Sameyn Xoogan ku Yeeshay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kadib Markii Qaadka Garoonka lagu Arkay Waqooyiga Gobolka Mudug,

Garoonka Ayaa Duulimaadkiisa Caadiga Wata Waxana Maalin kasta Kasoo Daga Diyaaradaha Qaadka iyo Midka Duulimaadka Caadiga Sida Goor Dhow ii Xaqiijiyay Wariye Gaalkacyo ku Sugan,

Shaqeynta Garoonka iyo Qaadka kasoo Daga Ayaa Sameyn Xoogan ku Yeeshay Nolosha Magaalada Gaalkacyo ee Xaga Qaadka Waxana Ganacsatada Magaalada Bilaabeen in Qaadka Ay Qaataan oo ku iibiyeen Goobahooda Ganacsiga,

iyadoo Arintaasi Soo Badatay Waxaa Maanta Ciidan Puntland lagu soo Daadashay Dhanka Suuqa iyadoo ula Jeedka uu ahaa in la Baaro Dadka Qaadka kasoo Galiyana Dhanka Galmudug Waana Saameynta Garoonka uu ku Yeeshay Nolosha Waqooyiga Gaalkacyo,

Ciidanka lasoo Dhoobay Halkaasi Waxaa ula Jeedka ugu Weyn uu ahaa in ay ilaalshaan Qaadka Galmudug kasoo Gala Waxana Arintaasi keentay in Dagaal Kooban Suuqa ka Dhaco,

Ciidanka Puntland ayaa Gudaha u soo Galay Suuqa oo ah Goob Ciidanka ka Reeban oo Ganacsi ah hase Yeeshee Waxaa Halkaasi iskaga Difaacay Ganacsatada Suuqa Taasi oo keentay in Hal Ganacsade uu Dhaawacmo,

Qalabka Laga Keeno Dekada Boosaaso Waxaa Toos loo keenaa Galmudug iyadoo Maalin Cad Lasoo Marsiiyo Magaalada Hase Yeeshee Shacabka Ayaa is Weydiinaya Waxa Diidan Ganacsiga Galmudug kasoo Dega,

Warbaahinta Puntland Waxaa laga Codsaday in aysan Buun Buunin Wararkan oo Dhibaato iyo Sharaf dhac ku Noqonaya Maamulka sida Mudug24 u sheegeen Dad lagu kalsoonaan karo,

ugu Danbeyn waxaa Maanta Dib Shaqooyinkiisa u soo laabtay Suuqa Darxumo Halkaasi oo Maanta Dhib Xoogan ka dhacay inkastoo Taagantahay Saameynta Garoonka Gaalkacyo ee Galmudug Madama Dadka Ay doonayaan Qaad Raqiis ah oo Faaido ugu Jirto,

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Garoonka Sida uu u Shaqeeyo

riix

Wixii ku soo Kordha Lasoco

Mudug24, Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here