Home Wararka Maanta Alshabaab oo Soo Bandhigtay Maydka Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo oo ay ku...

Alshabaab oo Soo Bandhigtay Maydka Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo oo ay ku dishay Buulamareer

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ka dhacay Buulo Mareer, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday saldhiga ATMIS ee magaaladaasi.

Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dishay sarkaale sare oo ka tirsan ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda, kaasi oo ay magaciisa ku sheegtay Edward Nyororo.

“Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo oo ahaa taliyaha guutada Zulu ee ka howl-gasha deegaanada Buulo-Mareer, Golweyn iyo Baladul Amiin ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii saldhigga Buulo-Mareer ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta kooxda.

Sidoo kale waxay soo bandhigtay kooxdu sawirka meydka taliyahaan, ee ay sheegtay inay ku dishay weerarkii Buulo Mareer.

Al-Shabaab ayaa hore guul weyn uga sheegtay weerarkaasi, kaasi oo ay sheegtay inay ku dishay illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Dhinaca kale, Askarta Uganda looga dilay weerarkaasi ayaa lagu sheegay inay gaareyso illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale, Militariga Uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab kadib weerarkaasi ay dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada Buulo Mareer.

Sarkaal Soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa Uganda, kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda Buulo Mareer.

Si kastaba, Weerarkii Buulo-Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo Mareer.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM.”

Ad
Previous articleMaxaa lagusii daayey hooyadan lagu tilmaamay “dilaagii ugu xumaa”?
Next articleP.M Xamze Cabdi Barre oo Maantay Bilaabay Isla Xisaabtan uu ki Wasmaynaayo Wasiiradiisa(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here