Home wararka Dalka Deg Deg Ciidan ka Tirsan Milatariga Dowlada Somalia iyo Ethiopian Gaaray Dhuusomareeb...

Deg Deg Ciidan ka Tirsan Milatariga Dowlada Somalia iyo Ethiopian Gaaray Dhuusomareeb Goor Dhow’

0

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay Gacanta ku hayso Ahlusunna Waljamaaca.

Ciidamadaan  oo ay weheliyaan Ciidan Itoobiyaan ah ayaa ka soo baxay Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud,waxaana ay Fariisimo ka sameysteen Duleedka Degmada Dhuusamareeb.

Ujeedka Imaatinka Ciidamada Xoogga Dalka ee tagay Degmada Dhuusamareeb ayaan la sheegin,iyadoo sidoo kale Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata Gaadiid dagaal ay la socdeen.

Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku sugan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca,walina  Ahlusunna kama hadlin.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here