Home Wararka Maanta Guri ay ka Jirtay Tacsi oo uu ku Habsaday Hoobiye iyo Dad...

Guri ay ka Jirtay Tacsi oo uu ku Habsaday Hoobiye iyo Dad hor leh oo ku Dhintay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Hoobiyeyaasha oo gaaraya illaa lix ayaa ku dhacay xaafadda Buulo Mugdi oo ka tirsan degmada Dayniile, waxayna sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guri ku yaalla halkaasi oo ay taallay tacsi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hoobiyeyaasha qaar ay ku dhaceen waddooyinka, ayna sababeen khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkii waddada marayay.

“Arintaa xalay ayay dhacday waxa ay ahaayeen hoobiye gacmeed laga soo tuuray dhanka galbeed illaa lix madfac ayay ahaayeen, qaar ayaa bannaanka ku dhacay, reerkaana mid ayaa ku fariistay, dad kale oo jidadka maraayay oo dhaawacmay waa jiraan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu weerarkan ku dhintay wiil 12 jir ah, ayna ku dhaawacmeen 11 kale oo ay ku jiraan dad u yimid tacsida taallay guriga.

“Qosykan waxaa dhaawac ah 11 qof, waxaa dhintay wiil 12 sano jir ah, dadka dhaawac ahna qaar marti ayay ahaayeen waxay u yimaadee Tacsi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada, baarlamaanka, garoonka iyo xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ninkii Gubay luul Cabdicasiis oo Maantay Maxkamada Kasoo Muuqday
Next articleAbiya Axmed oo Diiday Dalab uga Yimid Maraykanka iyo Uk oo Ku Wajahnaa Bada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here