Home Wararka Somaliya Galmudug Qof Shacab ah oo Goordhow lagu Dilay Deegaanka Xananbuure

Qof Shacab ah oo Goordhow lagu Dilay Deegaanka Xananbuure

0

Allaha u naxariisto Wiilkan oo ahaa Darawal ayaa koox hubaysan ku dishay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Marxuunka oo lagu magacaabi jiray Duran Somali deegaan ahaana ka soo jeeda Cadaado waxaana la sheegay in wali maydkiisa aan laga qaadin goobta lagu dilay, kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta is kaga baxsaday.

Beesha Cayr ayaana Xalay Hanjabaad kasoo Saartay Ceel la Qorshaynaayay in laga Qodo Duleedka Deegaanka Xananbuure gaar ahaan Dhanka Beesha Reer Xaaji Saleebaan Dagaan.

Cayr ayaana ka Biya Diiday in la qodo Ceelkaas lama oga Dilkaan inuu ka Xariiro Arinta Ceelka iyo inuu Salka Ku Haayo aano Qabiil.

Beelaha Ceyr iyo Saleebaan ayaana Dagaalo Qaraar Horay ugu dhexmareen Deegaanka Xananbuure oo labada Beel Wada Dagaaan.

Is qabqabsiga Beelaha Ayaana Hataan Ka Dilaacay Galmudug Shalay ayay ahayd markii Dagaal Culus Dukeedka Galdogob Beelaha Sacad iyo laylkase kaaso oo ay ku Dhinteen ku dhawaad 20 Qof kuna Dhawaacmeen Dad ku Dhow 40 Qof.

 

Ad
Previous articleWargayska New York Times oo shalay baahiyey qoraal sir ah oo la xariira dagaalkii Black Hawk Down ee 30 sano ka hor maanta oo kale
Next articleNISA oo Nairobi kasoo Xirtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } kana Soo Dajisay Muqdiaho asagoo Xiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here