Home galmudug Yaa Ka Danbeeya Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-suna ee Guusha ku Dhow’

Yaa Ka Danbeeya Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-suna ee Guusha ku Dhow’

0

Maamulka Galmudug iyo Ahlu-suna Waxaa Dhexmaraya Heshiis u Muuqda Mid Guul ku Dhamaanaya iyadoo Waxyaabaha leesku Hayo Leesku Raacay in laga Heshiiyo,

Heshiiska oo Mudo Qaban Qaabadiisa Socotay Waxaa Dadka Qaarkood Aaminsanyihiin in Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka Hase Yeeshee,

Yaa ka Danbeeya Heshiiska Labada Dhinac,

Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-suna Waa Mid Markasta la ogaa inuu Dhacay lakin Dadka Qaar ayaa aaminsaneen in Xiligan uu Dhacayo Madama Maamulka Ahlu-suna kasoo Horjeeday Galmudug isla markana Diyaar u ahaa in uu la Fadhiisto Dowlada Somalia.

Sida Warar Lagu Kalsoonaan karo Ay Tilmaamayaan Waxaa Heshiiska labada Dhinac Sabab u ahaa Shacabka Galmudug Gaar Ahaan Shacabka Dhuusomareeb iyo Gurceel iyo Bulshada Halkaasi kasoo Jeeda oo Ahlu-suna ka Codsaday in aysan Rabin kala Ququbnaan Xiligan ah,

Shacabka Ayaa Dadaal Dheer u Galay in Siyaasiyiin Beelaha Arintaasi Bilaabaan oo Dhex Dhaxaan ka Noqdaan labada Dhinac isla markana lasoo Afjaro Khilaafka Madama umada kale ay Midoobeen ayaga Diyaar u Yihiin Mideyntaasi oo kale,

Dadaalka Shacabka Waxa uu keenay in ay Wada Kulmaan Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin iyo Siyaasiyiin Reer Galmudug ah Sida Axmed Cabdi Salaan Waxana Labada Masuul isku Afgarteen Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-suna,

Qorshaha Cabdi kariin ee Nairobi Ma aheyn la kulanka Ahlu-suna lakin Waxa uu ahaa Safar ku Saabsan Heshiiska Ahlu-suna Taasi oo Guul kusoo Dhamaaday Sida Warar lagu Kalsoonaan karo aan ku Heleeno,

Cabdi kariin Ayaa Dhawana Lafilayaa in uu Muqdisho Gaaro isla markana Sii Wado Kulanka Heshiiska ku Aadan,

ugu Danbeyn Shacabka Galmudug ayaa ah kuwa ku Amaanan Hormarinta Dhulkooda,

Mudug24, Dhuusomareeb

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here