Home Wararka Somaliya Sheekh Shaakir oo go’anka Ahlu-suna Siiyay Odayaasha Degmada Guriceel oo kulan dhex-maray

Sheekh Shaakir oo go’anka Ahlu-suna Siiyay Odayaasha Degmada Guriceel oo kulan dhex-maray

0

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa laga dareemayaa cabsi dagaal dhax mara ciidamada kooxda Ahlu Sunna ee magaaladaasi hada maamusha iyo ciidamada maamulka Galmudug oo gacan ka helaya ciidamada dowlada federaalka.

Qaar badan oo kamid ah shacabkii ku dhaqnaa magaalada Guriceel ayaa halkaasi isaga barakacay iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo, waxa ayna shacabka hada ku dhibaateesan yihiin deegaano duleedka magaalada kuyaala ay ku barakaceen.

Odayaasha dhaqanka Beesha Habar Eji ee degan magaalada Guriceel oo kulan la qaatay Hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa waxa ay ka codsadeen in ciidamada Ahlu Sunna magaalada laga saaro si dagaal looga baaqsado.

Qaar kamid ah Odayaashan oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Guriceel ayaa sheegay in ay la kulmeen Sheekh Shaakir kana codsadeen in uu ciidanka Ahlu Sunna magaalada ka saaro si dagaal looga baaqsado.

Waxa ay sheegeen Odayaashan Beesha Habar Eji in Sheekh Shaakir si adag uga hor yimid codsigooda una sheegay in korkooda ku dagaalamayo uuna dhufeesyo dagaal ka qodanayo xaafadaha magaalada Guriceel.

Odayaasha ayaa dhinaca kale Madaxweyne QoorQoor u cadeeyay in uu isagu Mas’uul ka yahay amaanka shacabka, loona baahanyahay in laqaato dhabaha wada hadalka, iyado laga fogaanayo gacan ka hadal loona turayo shacabka.

Ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dowlada Federaalka ayaa ku sugan deegaano kuyaala duleedka magaalada Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal magaalada ku dhax maro ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa hueanta ah.

Ad
Previous articleSawiro:- Barakac Ka Socda Magaalada Guriceel ee Galmudug
Next articleSawiro:- Galmudug iyo Puntland oo Heshiis ka gaaray Maanta Dil Gaalkacyo ka dhacay Dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here