Home Wararka Maanta Janaraal Biix oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay ka Dhacay Deegaan u...

Janaraal Biix oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay ka Dhacay Deegaan u Dhow wisil

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil.

Jeneraal Biixi oo u waramay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 117 xubnood maanta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid gacanta la iskula tegay oo aan waxaba la isku reeban.

Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday dagaalkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey.

Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, waxaana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.

“Halka aan maanta cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale Taliye Biixi wuxuu sheegay in seddax jiho ay ka weerareen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku go’doomiyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Xarardheere, Hobyo iyo Wisil ilaa Caad iyo Camaaro, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay soo afjarayaan Al-Shabaab ka dagaalamaya aaggaas.

“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaataan,” ayuu yiri.

Jeneraal Biixi oo sii hadlaayey ayaa sheegay in kooxda ay ku go’doomiyeen koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, isagoo cadeeyey in Jimcihii shalay ay ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar ku billowdy Qaraxyo oo lagu qaaday xero Kutaala Jubaland
Next articleMeydadka Soomaali kale oo laga soo saaray burburka dhulgariirka Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here