Home wararka Dalka Daawo Sawirada Masaajid ku Yaala Muqdisho oo Hub Laga Soo Saaray’

Daawo Sawirada Masaajid ku Yaala Muqdisho oo Hub Laga Soo Saaray’

0

Howlgalo ay ciidamada Dowlada ka sameeyen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabqabtay Hub farabadan oo lagu keydsaday Masjid ku yaala Degmada.

Masjidka Hubka lagu soo qabtay ayaa ku yiilay xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan, waxaana hubka la socday lacago aad u farabadnaa.

Ciidamada Dowladda oo lagu soo wargeliyay in hubkaasi lagu qariyay Masaajidka, ayaa waxaa u suurtagashay inay dibadda uga soo saaraan, waxa uuna Hubkaasi isugu jiraa qoryaha sabanka iyo kuwa kale ee fudud.

Wasiirka amniga gudaha iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hawlgalka kadib halkaasi kormeer ku tagay waxa ayna sheegen in hawlgalku sii socon doono maadaama Alshabaab ay suurtagal tahay in meela kale ay ku aasaan hub lagu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka intaa ku daray in durbaba ay Ciidamada amnigu ku dhaqaaqeen halkii uu ku qarsanaa hubkaasi, islamarkaana ay ku guuleysteen inay ka soo saaraan.

ds1 ds2 ds3

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here