Home Wararka Maanta Madaale oo War kasoo saaray Goobaha Uu Weerary ee ku Yaala Muqdisho...

Madaale oo War kasoo saaray Goobaha Uu Weerary ee ku Yaala Muqdisho Digniin Adagna Diray

0

Maamulka gobolka Banaadir uu hoggaaminayo duqa Muqdisho ayaa bilaabay howlgalo lagula dagaalamayo laguna xirayo hoteelo iyo xarumo kale oo lagu isticmaalo waxyaabaha maanka-dooriya sidoo kale lagu sameeyo falal anshax-xumo ah.

Duqa Muqdisho oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay xarunta gobolka ayaa sheegay in ay xireen kalaabyo lagu isticmaalo waxyaabaha mukhadaraadka ah ayna ku caweyn jireen dhallinyaro isugu jirto gabdho iyo wiilal.

Waxa uu sheegay guddoomiye Madaale in ay jiraan goobo kale oo kuyaalla caasimadda oo wali lagu isticmaalo waxyaabaha maanka-dooriya, waxa uuna ku amray goobahaasi in deg deg u xiraan dadka iska leh. haddii kale ay tallaabo adag ka qaadi doonaan goobahaasi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa habeenadii lasoo dhaafay xiray hoteelo iyo goobo kale oo ku yaallay xeebta Liido iyo degmada Hodan oo lagu isticmaalo jiray waxyaabha maanka-dooriya sidoo kale ku tuman jireen wiilal iyo gabdho .

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo sameynaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Saciid Deni
Next articleSudaan oo Markale oo looga dhawaaqay Xabad Joojin iyo Mareykanka oo ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here