Home Wararka Maanta Axmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur oo Muqdisho Kufsi Ka Gaystay...

Axmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur oo Muqdisho Kufsi Ka Gaystay oo Lasoo Qabtay

0

iidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo howlgal ka sameeyay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan fal ‘Kusfi ah’ oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in laamaha amniga ay soo qabteen laba nin oo ku eedeysan kufsi loo gaystay gabar Soomaaliyeed.

Labada eedeysane ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur, sida lagu sheegay warka Booliska

“Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Hiliwaa ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysanayaan ku eedeysan in ay kufsi ugeesteen gabar Soomaaliyeed, waxaana lagu kala magacaabaa1 Axmed Macalin Cabdi 22 Jir, 2 Cali Axmed Nuur 33 jir” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu taliska Booliska gobolka Banaadir intaasi ku daray in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waxaan la horgeyndoonaa Cadaalada” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray Booliska “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud.
Muwaadin waxaa lagaa codsanayaa in hadii aad aragto xaalad amni dara ah in aad la wadaagto xafiiska Gurmar ee 991”.

Dhanka kale ciidamada Booliska oo kaashanay Boolis Militare ayaa howlgal ka sameeyay isla degmada Heliwaa ku qabtay in mooto ku waday maandooriye, kaas oo lagu xiray saldhigga degmadaasi.

“12/04/2023 Abaara 10:20 Am, Ciidanka Boliiska Qeyta Bari iyo Ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah kawada Dagmada Hiliwaa, ayaa soo qabtay, Mowliid Xasan Maxamud, iyo mooto uu kuwaday maandooriye kala duwan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleMustafe Cagjar oo war cusub ka soo saaray kala dirida ciidanka Liyu Boolis
Next articleGudoomiye Madaale Oo Amarro Culus Dul Dhigay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here