Home Wararka Maanta Maxaa kala Socotaa muslimiinta 800 oo mitir oo dhulka hoostiisa ku sooma?

Maxaa kala Socotaa muslimiinta 800 oo mitir oo dhulka hoostiisa ku sooma?

0

Macdan qode Eemin Xasan, waxuu dareemaa in uu ilahaay u dhawaado marwalba oo uu ku afuro 800 oo mitir oo dhulka hoostiisa, Kadib muddo dheer xaalad darran oo kulayl ah uu ka shaqaynaayay aaga macdanta laga qodo ee Trepca ee Tuulada Stanberg oo dhacda waqooyiga Kosovo.

Dusha sare ee godka, Xasaani nin la yiraahdo ayaa eegayaa saacadda si uu u ogaado goorta qorraxdu dhacyaso, wuxuu doonayaa in ogaado in lagaaray waktigii afuritaanka.

Iyaga oo hareer fadhiya miis yar oo yaalla xafiis macmal ah oo ku ag yaalla meesha macdanta laga qodo, ayaa isaga iyo saaxiibadiis oo afar ah waxay timir, caano, khudaar, ciir, farmaajo la soo baxeen iyaga oo ku fiiqsanaya shaah madoow.

Raggan ayaa qoslaya oo isla sheekeysanaya ayaa wadaagaya cunto, iyaga oo afuraya kadib maalin dheer oo soom ah oo la afxirnaa laga soo bilaabo oogga waaga iyo gabal dhaca maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Mar walba waxaan ku xiranahay Ilaahay, sida waqtigaan oo kale oo aan joogno 800 mitir oo dhulka hoostiisa ah,” Xasaani ayaa yiri ka hor inta uusan akhrin ducaysigiisa.

“Mar kasta oo aan si qotodheer dhulka hoostiisa (aado), waxaan dareemayaa inaan u dhawaaday Ilaahay”

Kosovo waa wadan ay ku badan yihiin Muslimiinta, oo dhaca Koonfurta Bari ee Yurub. Waa dal adduunku uusan wada aqoonsanayn balse leh awood maamul oo shaqaysa, wadamada qaarkoodna aqoonsanyahiin.

Wuxuu dhacaa bu’da wadamada Balkans loo yaqaano, waxayna xuduud dhanka waqooyi bari la leedahay Serbia, dhanka koonfur barina North Macedonia, koonfur gableedna Albania, Galbeedkana Montenegro.

Boqolaal macdan qodayaal ah oo ka tirsan shirkadaha dowladdu leedahay ee qoda macdanta ee Zinc iyo silfarka ayaa gudanaya waajibaadkooda Ramaadaanta, iyagoo ku soomaya xaaladdo adag oo cimilo kulul ah oo mararka qaar gaadhaya 40 degree iyo heer daran oo huur ah.

“Soonka arrin naguma aha laakiin la’aanta hawo nadiif ah, qalab casri ah, dharka iyo kabaha ayaa ah dhibaato weyn,” ayuu yiri madaxa shaqada, Fehmi Hajredini.

Shirkadda macdan qodista ee Trepca waxaa ka shaqaynaayay in ka badan 22,000 oo shaqaale sannadihii 1970-meeyadii iyo 80-aadkii waxayna macdan qodistu ahayd saddex meelood laba meel kamida wax soo saarka guud ee Kosovo (GDP). Hadda waxay ka shaqeeya 3,000 oo kaliya oo ka shaqeeya macdanta iyo xarumaha kale.

Macdanta qiimaheeda oo yar iyo wax soo saarka oo sii yaraanaya waxay ka dhigan tahay in shirkadu aanay dabooli karin kharashaadka shaqada oo ay raadinayso kaalmo dawladeed.

Magaalada Mitrovica, oo wax yar u jirta aagga macdanta laga qodo isaga oo ku sugan, Bashkim Kurti – maamulaha Trepca, ayaa sheegay in uu wadahadal kula jiro dawladda si loo helo 20 milyan oo doollar oo deyn ah iyada la hagaajinaayo xaaladaha shaqada iyo kordhinta wax soo saarka.

Waxuu dalkani kamid yahay wadamada ku yaala qaaradda Yurub ee muslimiintu yahiin tirada ugu badan waxaana wadamadaas kamida, Albania, Bosnia iyo Herzegovina. ku dhawaad labo milyan oo qof ayaana ku nool dalka Kosovo.

Kosovo waxay si iskeed ah madax-bannaanida uga qaaday Serbia 2008-dii talaabadaas oo ay gabi ahaanba diiday Serbia. Xidhiidhka labada dhinac ayaana xumaanaayay mudooyinkii u danbeeyay.

Bulshada ku nool dalka Kosovo ayay 95% yahiin dad muslimiin ah oo asalkooduna u badanyahiin Albaniyiin.

Ciidamada Xoreynta Kosovo ayaana in dalkaasi on uu xoroobo muddo badan u dagalaamaayay kuwaas oo kasoo jeeday Albaaniyiinta Kosovo. Bilowgeediiba dawladda Serbia ayaa ku shaabadaysay in ay yahiin argagaxiso.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Degaanka……
Next articleNinkii dilay Wariye Samafale Bulxan oo Dil Toogasha ah Lagu Xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here