Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Cali Jayte oo Ku Dhawaaqay inay Ka Go,een...

WAR DEG DEG AH: Cali Jayte oo Ku Dhawaaqay inay Ka Go,een Hirshabeele Maamul Cusubna Ku Dhawaaqay

0

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte, oo ka hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in shirar socday ilaa xalay, ay kasoo baxeen qodobada kala ah.

1- In June ilaa 10 July, Reer Hiiraan iskugu yimaadaan shir deg deg ah, si loo dhiso HiiraanState, oo uu horey u iclaamiyey bilo kahor, ayna isku raacsan yihiin dhammaan siyaasiinta beeshiisa.

2- In gobalka Hiiraan laga mamnuucay cid sheeganaysa, in ay ka tirsan tahay Hirshabeelle, xataa haddii ay joogaan aysan ka dhoofi karin garoomada diyaaradaha (Biyo baxada Raacaan).

3- In lasii wado duulaanka ka dhanka ah kooxaha nabadda diidan, furimahana la xoojiyo.

4- In laga bilaabo maanta ka dib, aan sinaba dadka Hiiraan loogu qasbi karin Maamulka Hirshabeelle oo aan deegaanka laga ogoleyn.

5- In laga mamnuucay garoonka diyaaradaha Baladweyne iyo jidadka soo gala cid kasta oo kasocota Hirshabeelle, wuxuu ku hanjabay in diyaarad kasta oo jabisana ay soo ridi doonaan.

6- In cid kasta oo go’aamadan diidan oo awood ku socodsiin karta fagaaraha looga baahan yahay oo ay fasax tahay, si ay rabitaankeeda u hirgaliso. (HA IS TAAJIBISO NOOH”

Ad
Previous articleShil ka dhacay wadada Tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti oo ay dad ku dhinteen
Next articleVladimir Putin oo Diiday Dadaaladii Ay Wadeen Madaxda Africanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here