Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya uu ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Xasilinta iyo kuwa milatari ah oo taabacsan Korneel Saney Cabdulle, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidamada milatariga ay jirdil u gaysteen askari kamid ah Xasilinta, kadibna ay sidaas isugu dhaceen labada ciidan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacamay illaa 7 qof oo 6 kamid ah ay yihiin dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi, halka qofka kalena ay tahay haweeney shacab ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse waxaa weli si horfadhiya ciidamada ku wada dagaalamay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in mar kale dagaal uu dhex-maro labada dhinac, maadaama aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadda dhexdooda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaas ka dhex qarxay ciidamada.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa weyn ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana in muddo ah ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay sheego cusub oo Somaliland ay ka sameysay maamulka hawada
Next articleBaarlamanka Somaliland oo ka horyimid heshiiska uu Muuse Biixi badda ku siiyey Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here