Home Wararka Somaliya Galmudug Mudo Dheer Kadib Alshabaab ku sugnaa Galmudug oo la Weeraray iyo Cabaas...

Mudo Dheer Kadib Alshabaab ku sugnaa Galmudug oo la Weeraray iyo Cabaas Garoobshe oo Nolosha Lagu soo Qabtay

0

Ciidamada xoogga deegaanka ayaa howgal guulaystay ka fuliyey degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Xoogaga hubaysan ee deegaanka oo haystay xog ay soo siiyeen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo Cabaas Garoobshe.

Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey nin Magaciisa lagu soo gaabshay ilkacase kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi ka Tirsanaa Alshabaabka Ku sugnaa Ceeldheer.

Ciidanka howlgalka sameeyey ayaa qabsatay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen kooxda Alshabaab howlgalka guulaystay lagu qaaday.

Howlgalkaan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleMucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray Dagaalkii Dhawaan ka Dhacay Garowe
Next articleCabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo Laga Baafinaayo Maxkamada Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here