Home Wararka Maanta Maxkamada Ninkii Gubay Xaaskiisa ee aan Wali la Duugin oo Markale Maantay...

Maxkamada Ninkii Gubay Xaaskiisa ee aan Wali la Duugin oo Markale Maantay ka Bilaabatay Muqdisho

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhageysaneysa  kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadeynta ayaa saaka mar kale ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socdo  warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sayid Cali ayaa isna kasoo muuqday fadhiga maxkamadda, maadaama mar labaad  la dhageysanayo kiiskiisa, waxaana u doodayo Abuukaate Cali Xalane.

Haddii lagu helay dambigan Sayid Cali ayaa muteysan doono dil toogasho ah, sida uu fadhigii hore ee maxkamadda ka shaaciyay guddoomiye Saalax Dabaan.

Fadhigii hore ee maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka, kuwaas oo ay wareysatay maxkamadda.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maxkamadda gobolka ay maanta go’aan ka gaarto kiiska ninkan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleMadaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdul-Fattaax al-Sisi oo go’aan culus ka qaatay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleMaxaa laga yidhi kulankii ‘Carruurtii Klopp’ ay ka badiyeen ‘Kooxdii bilyanka joogtay’?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here