Home Wararka Maanta P.M Xamze Cabdi Barre oo Amar Ku Baxshay in Wax laga Qabto...

P.M Xamze Cabdi Barre oo Amar Ku Baxshay in Wax laga Qabto Amniga Muqdisho oo Dilal Tirabeel ah ay Kasocdaan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa amray in si deg deg ah wax looga beddelo qaabkii hore ee amniga caasimadda loo sugi jiray, kadib kulan uu shir guddoomiyey oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Taliyeyaasha laamaha amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka, isagoo ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan falalka amni, degmo kastana looga baahan yahay in ay xoojiso wadashaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago falalka gurracan ee ay soo maleegayaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir in degdeg wax looga qabto cid kasta oo waxyeelanaysa amniga caasimadda, korna loo qaado fayo dhowrka iyo bilicda, isagoo tilmaamay in askarigii tacaddi u geysata shacabka si adag loo maxkamadeynayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee Gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Gudoomiye Muxyadiin Aadan Wali (Sawirro)
Next articleShan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here