Home Wararka Somaliya Jubbaland Maxay ka wada hadlayaan Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ?

Maxay ka wada hadlayaan Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ?

0

Maalmaha soo socda ayaa  la filayaa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada  Jubbaland iyo Puntland ay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada  Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waana kulan gaar ah oo xogtiisa la sii shaaciyay.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago Magaalada Garoowe si uu kulan ula yeesho Saciid Cabdullaahi Deni.

labada Madaxweyne oo xulafo gaar ah ayaa qorshuhu ahaa inay ku kulmaan Magaalada  Nairobi ee dalka Kenya, balse Saciid Deni uu ka baaqday, waxaana kulankooda Garoowe ay uga arrinsanayaan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe waxaa uu kulan la qaadan doonaa Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, isaga oo kala hadli doona wadashaqeynta labada Maamul ee Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo Afartii sano ee la soo dhaafay isku mowqif ka ahaa xaaladda dalka ayaa waxaa uu khilaaf xoogan kala dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo dhowr jeer siwadajir ah u soo saaray qoraalo ay uga soo horjeedeen tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya.

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo gaaray Degmad Balcad ee Gobalka Sh/dhaxe
Next articleBangiga Aduunka oo shaqadii ka joojiyay Shirkad ka qeyb qaadata Mashaariicda Hormarineed ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here