Home Wararka Somaliya Galmudug Ciyaarihii kubadda cagta ee maamul goboleedyada oo dib u bilaabmaya iyo Koonfur...

Ciyaarihii kubadda cagta ee maamul goboleedyada oo dib u bilaabmaya iyo Koonfur Galbeed oo go’aan laga garay

0

Waxaa berri oo Axad ah dib u bilaabmaya ciyaarihii maamul goboleedyada oo hakad u galay kadib muran hadheeyay, kaas oo kooxda Koonfur Galbeed ay kaga baxday ciyaaraha.

Kooxda Koonfur galbeed ayaa si rasmi ah uga hadhay tartanka, waxaana kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Xeriirka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyadu ay go’aamiyeen in sidaas looga hadho Koonfur Galbeed.

Hirshabeelle ayaa berri soo xaadiri doonta si saddex dhibcood looga siiyo Koonfur galbeed oo aan meeshaba joogin maadaama ay iyaga la ciyaari lahaayeen.

Intaas ka dib waxaa dhici doonta ciyaarta u dhaxaysa Gobolka Banaadir iyo Jubbaland taas oo go’aamin doonta sida ay kooxuhu isugu aadayaan afar-dhamaadka.

Ad
Previous articleTaliye Cusub oo Badalay Taliye Suulnuug oo la Magacaabay
Next articleSidee xalay wax uga dhaceen goobtii ay weerareen al Shabaab ee degmada Kaxda?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here