Home Wararka Maanta Qarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxay

Qarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxay

0

Qarax xoog leh ayaa caawa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisu ay aad u xooganeyd oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

In kastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin bartilmaameedka qaraxaas, hadana warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu ka dhacay gudaha xarunta waaxda Halgan ee degmada Deyniile.

Waaxda Halgan ayaa ku taalla xaafadda caanka ah ee Raadeerka, lama oga cidda wax ku noqotay ama la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxa nooca uu ahaa qaraxaas ama waxa loo adeegsaday, maadaama uu aad u xooganaa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah.

Inta badan qaraxyadu kama dhacaan degmada Deyniile, markii laga reebo dilal ka dhaca meelaha qaar, hadana waxay ka mid tahay degmooyinka ugu xasiloon caasimadda Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka geysata dilal iyo qaraxyo u badan miinooyin, sidoo kale hey’adaha ammaanka ayaa caasimadda joogto uga sameeya howlgallo ka dhan ah kooxda.

Hadda Al-Shabaab gudaha Muqdisho wax ku dila waxaa loo bixiyey magaca ‘Garanwaa’ waxaana caasimadda ka socda howlgallo lagu baadi goobo ‘Garanwaaga.’

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xakamey la’ dilalka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka fuliso kooxda Al-Shabaab, hadana waxay ku faanaan inay yareeyeen, iyagoo muujiya in dhawaan laga bixi doono amni darada.
Ad
Previous articleWaasarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo uyeertay Safiirka Dalka Qatar u Fadhiya Soomaaliya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Xalay Dad Badan Ku Dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here