Home Wararka Somaliya Puntland Waa kuma Wiilka colaadda lagala soo qaxay ee ku dhintay dagaalkii Garowe

Waa kuma Wiilka colaadda lagala soo qaxay ee ku dhintay dagaalkii Garowe

0

Sakariye Sube Ibraahim, 14 sano jir ka yimid DDS ayaa kamid ahaa dadkii dhawaan ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo iska soo hor jeeda.

Wiilkan oo hayay shaqada dhaqidda gawaarida, oo ayna ku tiirsanaayeen qoyskiisa oo idil ayay xabaddu haleeshay wadnaha, xili uu joogay gobtiisa shaqo, sida ay inoo sheegtay hooyadii, Maryan Maxamed Xassan.

Qoyska Sakariye Sube Ibraahim ayaa ku nool mid kamid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Garoowe, waxayna muddo siddeed sanado kahor ah ka soo qaxeen degmada Qalaafe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kaddib dagaallo halkaa ka dhacay.

“Wiilal ay saaxibbo ahaayeen ayay is raaceen, xabaddii markay dhacday meel bay ku xaroodeen, waan wacay oo wuxuu igu yiri hooyo qol baan galnay, wiilasha waxay ii sheegeen inuu isagu diiday inuu markii dambe qolka ka soo baxo kaddibna qadarta ayaa ku timid’ ayay tiri hooyada dhashay wiika.”

“Muddo 5 sano ah ayuu hayay shaqadaas gawaaridu la dhaqayo ah, isagoo 11 sano jir ah ayuuna bilaabay wiil iyo gabar buu ii ahaa wiilkayga.” ayay intaasi raacisay.

Hooyo Maryan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in maalinkaas dagaalku socday ay u diidday in wiilkeedu baxo balse uu ku yiri ‘dhibaatadan idinkuma fiirsan karo sidaasna uu ku baxay.

Aabaha dhalay wiilka oo 60 sano jir ah ayaa ah qof xanuunsan oo sariir saaran, carruurta kalena waa kuwa yar yar sida ay inoo sheegtay hooyada dhashay wiilka geeriyooday.

Waxay sheegtay in dowladda Puntland aysan arrintan kala hadlin oo ay ku mashquulsanyd aaska wiilkeeda.

Waxaan maqlayay in la diiwaan gelinayo dadka ku dhintay weerarka balse anaga ma aanan aadi karin oo wiilka aabihii wuu xanuunsan yahay anigana aaska ayaa mashquul ku noqday.

Aniga 1000 shiling Soomaali ma haysan marka uu dhintay wiilkeyga oo xitaa ma aasan karin laakiin Muslimka I garab istaagay oo bixiyay kharashaadka aaska.

Hadda waxay Muslimiinta iyo saaxibbadiis isoo diraan baan biyaha iyo caanaha ilamaha ku gadanaynay.

Maryan Maxamed Xassan ayaa sheegtay inay qaddarta Alle ku qanacsan tahay ayna mareen wixii Alle u qoray

Dagaal socday muddo saacdo ah oo 20 kii bishaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad soddon ruux sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. tiro ka badan 10 ruux ayaa ahaa dad shacab ah oo kamid yahay Sakariye

Ad
Previous articlePuntland oo Dagaalkii ka Dhacay Garowe Dusha uga Tuurtay Aqalka Sare ee Soomaaliya
Next articleYuusuf Dabageed oo ammar siiyay Saraakiisha ATMIS iyo kuwa booliiska Xili Cali jayte Xarumihii Hiiraan ka Wareegay(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here