Home Wararka Maanta Askar Ka Tirsan Ciidamada Khaalid Bin Waliid oo Durbaba Maxkamad Lasoo Taagay...

Askar Ka Tirsan Ciidamada Khaalid Bin Waliid oo Durbaba Maxkamad Lasoo Taagay Kadib Fal layaab leh oo ay ku kaceen

0

Mowliiid Daahir  Xuseen, ismaaciil Bashiir keynaan  iyo Maxamud Axmed Ismaciil oo kawada Tirsan Guutada 24aad ee lagu Magacaabo Khaalid Bin Waliid oo ka Mid ahaa Ciidamado Dhawaan laga Keenay Dalka Masar ayaa Maantay lasoo Taagay Maxkamada Ciidmada Qalabka Sida.

Sadexdaan askari ayaa Lagu Soo eedeeyey inay Gateen Sadexdii Qori iyo rasaas gaaraysay 180 Xababadood ee Qaranka Soomaaliya Ugu dhiibay inay Cadowga.kula Dagaalamaan ayagoo ka Iibsaday Qof Shacab kadibna Baxsaday Askartaan ayaa  Maantay ay maxkamadu Ku eedeysay Xatooyo Xoolo Ciidan Askartaan ayaana ku sugnaa Jiida Hore ew Shabeelada Dhexe Xiliga ay Hubka Gadanayeen.

Balse Taliyaha Ciidamada Khaalid Bin Waliid Saalim Cumar Axmed ayaa Maxkamada Ka Hor sheegay in Howlgal Dheer kadib Gacanta Lagu Soo dhigay Sadexdaan Askari oo Baxasad ahaa.

Sidoo kale Wuxuu Sheegay Taliye Saalim in Sadexda Qori ay kala Baxeen 2200 oo Doolar kana Iibsadeen Ganacsade Balse Dabagal ay sameeyeen ay Gacanta Kusoo Dhigeen Hubkii laga Gatay Askartaan.

Maxkamada ayaana ku edaysay askartaan inaysan jirin baahi ku kaliftay madaama ay qaadanayeen Mushaar ka badan kan ciidamada Xooga Dalka Qaataan.

Dhagaysi dheer kadib maxkamada ayaa ku dhawaaqday ina Si degdeg ah xukuno loogu Ridi Doono eedeysanayashaan Hubkoodi Gatay Oo Haatan Ku jira Gacanta Cadaalada.

 

Ad
Previous articleDagaal Culus oo ka dhex-qarxay kooxaha Falastiiniyiinta
Next articleMaxkamadda racfaanka oo maanta go’aan kasoo saartay dacwad ka dhan ah 36 kalluumeysato ajaaniib ah oo Hobyo laga Soo Qabtay Dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here