Home wararka Dalka Dhageyso Madaxweyne Cabdi kariin oo Maanta Shirka Muqdisho ka Sheegay Wada hadal...

Dhageyso Madaxweyne Cabdi kariin oo Maanta Shirka Muqdisho ka Sheegay Wada hadal uu Maamulka Ahlu-suna la Galayo,

3

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta Qudbad ka jeediyay Shirka Dajinta Halbeega Mustaqbalka Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo sidoo kale Waxii u qab soomay Mudadii uu xilka ka hayay Maamulka Galmudug.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu wada hadal la galayo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca islamarkaana Galmudug ay u Tanaasuleyso Ahlusunna.

“Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna waxaa dhawaan u furmi doona Wada hadal u dhexeeya Labadooda oo lagu xalinayo Mad madoowga jira,waxaana wada hadalkaasi uu ka dhici doonaa Gudaha Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli dhowr jeer oo hore uu sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Ahlusunna,inkastoo Ahlusunna ay diiday wada hadal ay la yeelato Maamulka Galmudug.

HOOS KA DHAGEYSO:

Codka oo Dhameestiran Goor Dhow

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here