Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab ku Dhexmaray...

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab ku Dhexmaray Koonfurta Mudug

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor oo gacan ka helayay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Dabagala ee koonfurta gobolka Mudug.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kaddib markii ciidamada milatariga iyo kuwa daraawiishta Galmudug  weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dabagala

Dagaal culus ayaana labada dhinac ku dhax maray deegaankaasi, waxaana wararka qaar ee la helayo sheegayaan in dagaalka ay daba socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsanayay fariisimaha Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda hoggaaminayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay la galeen Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab ka saareen deegaankii ay weerareen ayna halkaasi kaga dileen xubno badan.

Ad
Previous articleMaamulka garoonka Aadan cadde oo beeniyey warar lagu baahiyey Baraha bulshada
Next articleDowlada Soomaaliya oo mar kale xirtay Cabdalla Muumin oo Dhawaan Xabsi lagu Xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here