Home Wararka Somaliya Galmudug iyo Puntland oo maanta bilaabay Hirgalinta Qodobo iyo Go’aano horay loogu...

Galmudug iyo Puntland oo maanta bilaabay Hirgalinta Qodobo iyo Go’aano horay loogu heshiiyay

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa shir gudoomiyey kulan ay qayb ka ahaayeen Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa looga hadlay dhaqan galinta go’aano horay uga soo baxay gudiga Amniga Gobolka ee labada dhinac taasoo ahayd inay mamnuucna tahay in la xirmaysto Dhul daaqsimeedka iyo Deegaamayn cusub, kulankan oo saacado ayaa la isla qaatay in bulshada laga wacyigaliyo, lagana hortago cidkasta oo samaynaysa xirmaysiga dhul daaqsimeedyada.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay go’aanka Guddiga amniga Gobolka Mudug, iyaga oo sheegay in mar walba ay muhiim tahay wada noolaanshaha labada Bulsho.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa dhankiisa sheegay in ay kormeerayaan dhaqan gelinta amarkii kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Mudug si loo dhaqan geliyo.

Ad
Previous articleDalka Sweden oo 62 Qof lagu dilay Sanadkan Gudihiisa Booliska oo Warbixin soo saaray
Next articleMagaalada Muqdisho oo la keenay Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee Heshiiska la galay Kooxda Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here