Home Wararka Maanta Arwaax Ibraahim iyo Axmed Ibraahim oo Dad Safar ahaa laayay oo...

Arwaax Ibraahim iyo Axmed Ibraahim oo Dad Safar ahaa laayay oo Xukuno Adag lagu Riday

0

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday askar iyo rag kale oo loo heesto in dil iyo dhaawac u geesteen dad shacab ah oo waddo ku safrayay.

Maxkamadda ayaana ku heshay dambi isugu jira dil iyo dhaawac in dad shacab ah u geestaan labadan askari oo kala ah dable xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Axmed Ibraahim Axmed in dad shaca ah u geesteen. Halka Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) iyagana loo haysto gacansiin dambi iyo isku day dhac iyaga oo wadayaal ka ahaa labo mooto Fekon oo lagu geeyay gacankudhiiglayaasha.

Askartan ayaana xeer ilaalinta maxkamadda ku eedeysay dembiyada kala ah dil bareer ah, dhaawacyo, qalqal-gelin shacab, jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, ayna ku dhinteen marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow, falkaas oo ka dhacay tuulada Xabaal Duub oo ka tirsan deegaanka Maxaa Saciid ee hoostagta degmada Cadalle kow iyo labaatankii bishii Augost 2023.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku kala xukuntay:

2- Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (oo maqane ah) ayaa iyagana lagu Xukumay min 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida.

Ad
Previous articleWarbaahinta Qaranka oo Diiday inay Baahiso Khudbadii Shariif uu ka Jeediyay Baarlamaanka Iyo Shiikh Shariif oo Si Cara leh ugu Hadlay
Next articleFarmaajo oo ka Hadlay Wixii Maantay lagu Sameeyey Shiikh Shariif

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here