Home Wararka Maanta Waa kuma ninka ay Iran aad uga carootay dilkiisa ee lagu tuhunsan...

Waa kuma ninka ay Iran aad uga carootay dilkiisa ee lagu tuhunsan yahay in Israa’iil duqeyn ku dishay?

0

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay weerar loo aaneeyay Israa’iil oo ka dhacay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Dimishiq Isniintii.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Sarreeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ee ilaalada kacaanka, sida uu sheegay ururkan ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Iran.

Weerarka ayaa burburiyay dhismo dhowr dabaq ah oo ku dhagan safaaradda Iran ee ku taal degmada Mezzeh ee caasimadda Suuriya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Suuriya ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna farta ku fiiqeen Israa’iil oo ciidankeedu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya, diyaaradaha Israa’iil ayaa weeraray dhismaha qunsuliyadda iyafoo kasoo galay buuraha Golan Heights 5:00 galabnimo. wakhtiga maxaliga ah ee Isniinta.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya qiic iyo boor ka soo baxayay haraadiga dhismaha dumay iyo dhaq dhaqaaqyada gurmadka.

Safaaradda Iran ee ku taal daarta ku dheggan uma muuqato in uu soo gaaray burbur weyn.

Zahedi, oo ah isku xiraha Iran iyo Xisbullah

Telefishinka qaranka Iran ayaa xaqiijiyay geerida Mohamed Reza Zahedi, oo ay ku tilmaantay inuu ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Quds, oo ah qaybta hawlgallada shisheeye ee Ilaalada Kacaanka.

Zahedi oo 63 jir ah ayaa ahaa taliyaha guud ee ciidamada Quds ee Suuriya iyo Lubnaan.

Sida laga soo xigtay khubarrada, wuxuu ahaa xiriiriyaha ugu weyn ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, ururka siyaasadeed iyo militariga Lubnaan ee Midowga Yurub, Maraykanka iyo qayb ka mid ah beesha caalamka.

Muddo dheer oo uu ka tirsanaan jiray ilaalada kacaanka, Zahedi waxa uu hore u soo noqday taliyaha ciidamada cirka iyo dhulka, waxaan uuna masuul ka ahaa ammaanka caasimadda Tehran.

Waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Quds ee Lubnaan tan iyo 2008-dii, jagadaas oo uu hore u soo qabtay intii u dhaxaysay 1998-dii ilaa 2002-dii.

Sida laga soo xigtay khubarada, Zahedi wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray kaalmada milatari ee ay Ciidanka Quds siiyaan Xisbullah, isaga oo kormeeraya shixnadaha hubka .

Waxa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa kaalmada militari ee garabka shisheeye ee ciidamada qalabka sida ee Iran ay siiso maamulka Bashaar Al-Asad ee Suuriya.

Kaaliyaha Zahedi, Maxamed Haadi Xaaji-Raxiimi, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim.

Ad
Previous articleWaa sidee xaalka nin Soomaali ah oo xaafadda Islii lagu toogtay lagana dhacay kumanaan doolar?
Next articleIdiris Shikhoow oo caan ka ahaa Degamada Xarardhere oo qarax Ka dhacay Degmadaas ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here