Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidanka Xoogga oo fuliyay howlgal AS looga saaray dhul Beereed

Ciidanka Xoogga oo fuliyay howlgal AS looga saaray dhul Beereed

0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa galinkii dambe ee shalay ilaa xalay hawlgallo culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka wada tuulooyinka kala ah Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo hoostaga deegaanka Sabiid ee degmada Afgooye.

Howgalladan ayaa Shabaab looga saaray dhul beereed, iyadoo la burburiyay fariisimo ku lahaayeen halkaas, sida waraahinta ku hadasha Afka dowladda u sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay xaqiijiyaan amniga guud ee tuulooyinka laga saaray Shabaab, waxaana hawlgalkan hoggaaminayay taliyaha ururka 143-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad.

Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka wada qaar kamid ah goballada dalka

Ad
Previous articleWiilka Falastiiniga ah ee geeridiisa ka dib ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu caan ka noqdo YouTube-ka
Next articleMadaale oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here