Home Wararka Maanta Turkiga oo Go,aan adag ka Qaatay xad gudubka Itoobiya kula kacday Somalia

Turkiga oo Go,aan adag ka Qaatay xad gudubka Itoobiya kula kacday Somalia

0

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mr. Öncü Keçeli ayaa war ka soo saaray heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen January 1, 2024.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Somalia, taas bedelkeedna laga kireeyo dhuul badeedka Somaliland qeyb ka mid ah.

Mr. Öncü Keçeli ayaa walaac ka muujiyey Heshiiskii Isfahamka ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa iyadoo  aaney ka warqabin oggolaanshana ka haysan Dawladda Soomaaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga

“Waxaan u rajaynaynaa in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhameeyo wada-xaajood toos ah oo dhexmara Soomaalida, waxaanan ku celinaynaa inaan taageerayno hindisayaasha wadahadalka labada dhinac” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Midowga Yurub, Mareykanka, Ururka Jaamacada Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaaniada iyo midnimada Soomaaliya.

Ad
Previous articleIngiriiska oo ka hadlay mowqifkiisa heshiiskii is-afgarad ee lagu saxiixay Addis Ababa
Next articleMidowga Yurub Oo Mar Kale Cadeeyay Diidmadiisa Heshiiskii Adis-Ababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here