Home Wararka Somaliya Galmudug Waa sidee Xaalada Caafmaad ee Arooskii iyo Aroosadii Xalay lagu Tooreeyey Guriceel

Waa sidee Xaalada Caafmaad ee Arooskii iyo Aroosadii Xalay lagu Tooreeyey Guriceel

0

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, fiidnimadii xalay waxaa ka dhacday arrin si weyn baraha bulshada u qabsatay oo ku saabsan nin la aqal galayay xaaskiisii seddexaad, oo tii koowaad ay weerar ku qaaday ninkeeda iyo xaaskiisa cusub xilli loo galbinayay gurigoooda cusub islamarkaana gaarsiiyay dhaawacyo ay u adeegsatay toorrey.

Wararka ayaa sheegaya in falku uu dhacay markii la gaaray guriga oo gaarigii lagu gelbinayay lammaanaha ay ka degayeen. Wiilka dhaawac ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Muuse, halka gabadhana lagu magacaabo Iqra Axmed.

Qof ka mid ah ehelada Cabdullaahi Muuse oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda weerarka gaysatay ay ninka u u dhashay sideed carruur ah. “Arrintaan waxaa sababay Maseyr,” ayuu yiri qofka oo magaciisa aan qarinay.

Lammaanahaan ayaa markii ay dhaawacmeen loola cararay cusbitaalka Shifaa, ee Guriceel halkaa oo xaaladooda hadda lagula tacaalayo.

Gabadha falka dhaawac ah gaysatay ayaa mid laba toorey ku dhuftay wiilka iyo gabadha, iyadoo ninkeeda uga dhufatay caloosha iyo feeraha halka gabadha lala guursadayna ay uga mudday xabadka sida uu sheegay Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ah agaasimaha cusbitaalka lagu baxnaaninayo qoyskan ku soo dhaawacmay xafladii aqal galkooda.

Dr Kaahiye ayaa intaa ku daray in dhaawac gabadha uu culusyahay maadama toorreydu ay gudaha hoose u gashay jirka.

“Gabdha laba toorrey ayaa ku taalla labaduba xabadka ayay uga yaalliin, midna waa fududahay oo waa maqaarka kore, midna gudaha ayay aadday marka midda gudaha ayaa halis ah,” ayuu yiri Dr Kaahiye.

Inkastoo xaaladda lamaanahaan ay hadda ka deggentahay sidii hore, haddana gabadha ayaa la sheegayaa in dhiig uu ku hooray gudaha hoose ee jirkeeda taas oo xaaladeeda cusleysay.

“Hadda waan la tacaaleynaa waxay u baahanyihiin in indho indheyn lagu smaeeyo xaaladooda,” ayuuyiri Dr kaahiye.

Arrintaan ayaa magaalada ku noqotay naxdin, waxana laga arkayay sawirro la soo dhigay baraha bulshada dad ku xoonsan halka ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay falkaan oo qaarkood ku tilmaamen wax laga xumaado.

Ad
Previous articleDowladda Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf
Next articleNinkii hoggaaminayay ciidamada afgambiga kula wareegay Niger oo ku Dhawaaqay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here