Home Wararka Maanta Dibed baxayaal ka careysan gubida Qur’aanka oo Xoog Kula Wareegay Safaaradii Swedan...

Dibed baxayaal ka careysan gubida Qur’aanka oo Xoog Kula Wareegay Safaaradii Swedan ee … (Sawiro)

0

Boqolaal kamid ah taageerayaasha wadaadka shiicada ah ee Ciraaq ee saamaynta ku leh ee Muqtada Sadr ayaa galay safaarada Sweden ee Baqdaad iyagoo ka careysan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee Sweden.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Ciraaq ayaa sheegay in safaaradda Sweden ay kala baxeen ciidamada ammaanku ka dib markii ay mudaaharaadayaashu jebiyeen dhismaha, iyaga oo kor u qaaday sawirrada Sadr iyo calamada maleeshiyadiisa ee Ciidanka Mahdi.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale gubay calanka qaanso-roobaadka, oo astaan u ah qolyaha isku jinsiga ah ee isku galmooda LGBTQ+

Saraakiisha Ciraaq wax war ah kama soo saarin weerarka lagu qaaday safaaradda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa sheegay in ninkan uu ahaa Kiristaan Ciraaqi ah oo horay uga barbar dagaalamay cutubyo ka tirsan ciidamada Nasaarada ee loo yaqaano Popular Mobiliation Forces, oo ah urur u badan malleeshiyaad Shiico ah oo lagu daray ciidamada dalkaas sannadkii 2016-kii.

Booliiska ayaa fasaxay bannaanbaxa, sababo ay ku sheegeen xorriyadda hadalka, kaddib markii go’aan hore oo lagu mamnuucay dibadbax kan la mid ah ay maxkamadda Sweden laashay.

Falkan oo ku soo beegmay xilli lagu guda jiro Ciidul Adxaa ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay dunida Muslimka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii soo jeediyay in dhacdadani ay caqabad kale ku noqon doonto dalabka Sweden ee xubinnimada NATO.

Sadr ayaa khamiistii fariin u diray taageerayaashiisa Twitter-ka, isagoo ugu baaqay inay ku mudaaharaadan safaaradda Sweden. Wuxuu ka codsaday in ay dalbadaan in safiirka Sweden ee Ciraaq laga eryo, ninkii Quraanka gubayna isaga oo maqan la maxkamadeeyo, lagalana noqdo dhalashadiisa.

Wadaadka ayaa ku baaqay in banaanbax kale lagu qabto afaafka hore ee safaarada maalinta Jimcaha ee maanta

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay u yeertay safiirka Sweden, waxayna ugu baaqday dowladda Sweden inay qaaddo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii ay u joojin lahayd aflagaadada soo noqnoqda ee Quraanka Kariimka ah.

Wasaarada ayaa sidoo kale ka codsatay Sweden in loo soo gacan geliyo ninka gubtay qur’aanka kariimka ah si loogu maxkamadeeyo dalka Ciraaq.

“Cilmiga sharciga ah iyo xoriyatul qawlka ma ogola in dembiga loo ogolaado xurmada diimeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ad
Previous articleCiidanka Haramcad oo Cagta Mariyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd…(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weerar kula Wareegay Degaanka Daarunimca Dadna ku Gowracay Degaankaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here