Home Wararka Somaliya Puntland Isimada Dhaqanka Puntland oo xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland...

Isimada Dhaqanka Puntland oo xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka

0

Isimada Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ayaa xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da Xubnood.

Isimadda dhaqanka oo go’aankooda si weyn loo sugayey ayaa soo jeediyey nidaamka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod in looga baahan yahay dowladda iman doonta inay sii waddo.

Go’aanka Isimada ayaa dhabar-jab xooggan ku ah madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo doonayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, taasi oo mucaaradka ay u arkaan isku day si dadban loogu raadsanayo muddo kororsi.

Tallaabada Deni ayaa marar badan hoggaamisay inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana mar kale laga cabsi qabaa dagaal ballaaran, ayada oo mucaaradka ay ku jiraan hub urursi.

Doorashooyinka Puntland ayaa waqtiyeysan 8-da Janaayo 2024, balse uma muuqato in Deni waqtigaas ku qaban doono.
Ad
Previous articleHay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya siidayna 100 milyan oo Doolar
Next articleSuldaanka beesha Saleebaan oo ka hadlay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday beesha reer Xaaji Saleebaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here