Home Wararka Somaliya Galmudug Dowlada oo Shaacisay Magacyada iyo Qabiilada Alshabaabkii Sakaay lagu Laayay Galhareeri

Dowlada oo Shaacisay Magacyada iyo Qabiilada Alshabaabkii Sakaay lagu Laayay Galhareeri

0

Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay hawlgal qorsheysan oo ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Al Shabaab ku leedahay Gobollada Dhexe.

War kasoo baxay hay’adda nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgalka lagu dilay 30 ka mid ah kooxda Al Shabaab oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

Weerarka oo ahaa mid dhinaca cirka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo ay kamid ahaayeenxarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, gaar ahaan kuwa sameeya filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.

Liiska Kow iyo Toban hor-jooge ee saakay lagu Dilay Galhareeri waxa ayna kala ahaayeen:

7 murusade ah, 1 Duduble ah, Koo Xawaadle ah, Laba Ogaadeen ah.

Qoor-Cade, Macalim Maxamed, Shanboqole, Wareershe, Cabdullahi Macalim Bashiir, Xasan Nuur, Ciise Maxamed Wehliye, intaan waa murusade ka kala shaqayn jiray : Horjoogayaal reerkooda u geeyay Argagixisada markii ay soo shaac baxayeen, Gaadiidka Argagixisada, Qaadda baadda ay ku dabooleen Sumadda Diinta [Zako], Marin Habaabinta Haweenka iyo Caruurta.

Kan Duduble Ee Magiciisa yahay Ismaaciil Abuu-Ruqiya, waxa uu ka tirsanaa Jabhadaha, Halka Xawaadle waxa la dhahaa Ciise Ruush, waxa uuna ahaa Madaxa Farsamada Hubka.

Labada Ogaadeen ka ah Ee kala ah Usaama & Yamiin, waxa ay kala ahaayeen Jabhadaha Mudug & Madaxa is gaarsiinta.

Halkan ka akhriso magacyada xubnaha dowladda sheegtay in lagu dilay weerarka

Ad
Previous articleXasan shiikh oo Deni Hortisa kusoo Dhaweeyey Go,aankii Shalay Baaralaanka Soomaaliya ku Gureen Dastuuka Soomaaliya
Next articleDegmo kale oo Ka Tirsan Galmudug oo Goordhow Lagu Duqeeyey Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here