Home Wararka Maanta Dowladda Sweden oo markii ugu horeysay war ka soo saartay falkii wuxuushnimada...

Dowladda Sweden oo markii ugu horeysay war ka soo saartay falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu GubaybKitaabka Quraanka kariimka

0

Dowladda Sweden oo markii ugu horeysay war ka soo saartay falkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay dalkeeda ayaa cambaareysay tallaabadii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxayna sheegtay inay u aragto fal Islaam-naceyb ah.

Dowladda Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in falkaas uu ku kacay nin u dhashay dalka Ciraaq oo degenaa dalka Sweden, kaas oo afaafka hore ee Masjidka weyn ee magaalada Stockholm ku gubay kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Sweden waxay sheegtay inay u aragto in ninkaasi uu sameeyay “fal Islaam-diid ah.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri, “Dowladda Sweden waxay si buuxda u fahansan tahay in falalka liddiga ku ah Islaamka ee ay shaqsiyaadka ku kaceen dibadbaxyada Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta.”

War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Sweden ayaa intaas ku daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkaas oo aan sinaba uga tarjumayn aragtida dowladda Sweden.”

Dhinaca kale, Dowladda Iiraan ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu Kitaab Qur’aan ah ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm.

Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay ninkaas fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah oo la sheegay inuu u dhashay dalka Ciraaq.

Dowladda Ciraaq ayaa dalbaneysa in ninkaas lagu maxkamadeeyo caasimadda Ciraaq eeBaqdaad, wixii ka dambeeyey markii uu falkaasi dhacay, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, mudaharaadkaas waxaa la sheegay inuu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr.

Ad
Previous articleMuxuu yahay sharciga adag ee muhaajiriinta ee ka dhaqan-galay Mareykanka?
Next articleIran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here