Home Wararka Somaliya Galmudug Waxa ka dhacay Qubuuraha Gaalkacyo ee sababay in meydadka lala baxo

Waxa ka dhacay Qubuuraha Gaalkacyo ee sababay in meydadka lala baxo

0

Daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa saameeyn weyn ku yeeshay qaar ka mid ah qabuuraha ku yaal magaalada Gaalkayo halkaas oo biyahu ay burburiyen xabaalaha Cirjiife oo ku yaal dhinaca Puntalnd ee Magaaladaas.

Dadka deggan aagga qabuuraha ayaa bbc u sheegay in biyaha ay banaanka u soo saareen qaar ka mid ah meydadkii halkaasi ku xabaalnaa, ayada oo guryahooda ay u soo galeen lafaha iyo karfantii marxuumiinta halkaasi ku aasnaa.

Ayaan Maxamed oo ka mid ah dadka deggan aaga qabuuraha Cirjiife ee Gaalkcayo ayaa BBC u sheegtay in Daadadkii ka dhashay roobabkii todobaadaydii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada ay saameeyn weyn ku yeesheen, qaar ka mid ah xaafadaha xabaalaha u dhawna laga qaxay, ka dib markii ay u soo galeen biyo ay la socdaan lafahii iyo karfantii dadka qabuuraha ku aasan.

“waxaan ka mid ah ahay dadka deggan quracada Cirjiife, daadadka ka dhashay roobabkii da’ay saameyn weyn ayay nagu yeesheen. 7 qoys oo halkaan daganaa ayaa ka barkacay guryahooda, ka dib markii ay biyo soo galeen”.

“Qabuurihii ayay sidoo kale biyahu dumiyeen, dad badan ayaa laga saaray oo uu ka mid yahay Sheekhii weynaa ee reer Gaalkacayo ee ka midka ahaa dadkii reer Gaalkacyo diinta baray” ayay tiri ayaan oo wareysi siiyay BBC.

Qabuuraha oo muddo dheer dadka lagu aasayayey ayey Ayaan Maxamed tilmaantay in ay jiraan dad kale oo badan oo doonaya in meydadka Eheladooda ay kala baxaan, balse biyo badan oo wali ku dhax jira qabuuraha aysan u suurtgalin karin.

“ilaa shalay Culimo iyo dad badan ayaa yimid qabuuraha ayaga oo doonaya in ay kala baxaan Meydadkooda halkaan, laakiin meel ay ka galaan ayay waayeen, waxaan ka codsanaynaa Maamulka Magaaladda in la badbaadiyo qabuuraha oo ay ku xabaalan yihiin dadkii Magaalada laga dhaxlay” ayay tir Ayaan Maxamed.

Waxaa jira iyaguna dad ka saaray qabuurahaas meydadka dadkoodii halkaa ku aasnaa.

Sheekh Caan ka ahaa Magaalada Gaalkacyo oo muddo 18 sano ka badan ku aasnaa qabuuraha Cirjiife ayaa laga saaray, ka dib markii biyuhu burburiyen qabrigiisa , sida uu BBC u xaqiijiyay mid ka mid ah Culimada Magaalada oo diiday in Magaciisa la baahiyo .

Qabuuraha Cirjiife oo ka mid ah kuwii ugu horeeyay ee Magaalada ayaa ku yaalla meel biyo mareen ah oo mar walba ay dhacdo in biyuhu fariistaan.

Maamulka Gobalka Mudug qeybta Puntalnd oo aan la xariirnay si aan wax ugu waydiino arinta ayaa ka gaabsaay in uu ka hadlo.

Roobab maahigaan ah oo ka da’ayay Goballada dalka Todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 29 qof, halka kumanaan kalena ay weli ku xayiran yihiin gurhadooda iyo xaafadahooda ama ay ku barakaceen sida laga soo xigtay dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka.

Fatahaaddan ayaa billowday bishii hore kaddib markii ay sare u kaceen heerka biyaha ee webiyada Jubba iyo Shabeelle, taasoo sababtay inay buuxdhaafaan.

In ka badan 47,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee Ocha.

Maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed ayaa ah meelaha ugu badan ee ay saameeyeen daadadka, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah.

Roobab mahiigaan ah ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay ka da’ay qeybo ka mid ah Bariga Afrika oo Soomaaliyana ay ka mid tahay.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo Qasa ka dhaqan gelineysa xabad joojin Saacado kooban ah
Next articleDowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here