Home puntland Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan = Waa Maqaal ay Qortay...

Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan = Waa Maqaal ay Qortay Abwaanad Sahro Daahir Mire oo Kaga Hadashey Midnimada Madaxda Galmudug,,

2

Maqaalkan waxaan uga hadlayaa qiimaha midnimadu ay leedahay iyo sida ay umada soomaaliyeed midnimada u lumiyaan mar walba iyagoo eegaya qabiil iyo qof jeclaysi.

Midnimadu waa aalad aad u xoog wayn oo umadi ay ku hormarin karto danta guud si looga gudbo qabiilka iyo qaybsanaanta. Midnimada inta badan waxaa fahansan faa,iidadeeda qof kasta oo leh damiir wadaninimo, iyo dadka aqoonta leh aqoontaas oo ah mid ilaahay siiyay ama ay ku gaareen waxbarasho dadkaasi.

Midnimada waxa hortaagan marwalba waa dadka aan aqoonta lahayn oo raba  in ay umada jahliga iyo mugdiga ku hayaan iyagoo u iftiiminaya qabiil aan wax faa,iido ah u keenayn, si ay danahooda gaarka ah u gaaraan.

Midnimo la,aantu waa cudur ka jira dhamaan Soomaaliya hadii ay dadka soomaaliyeed ka waayaan maamulka markaa jira Cid ay isku qabiil yihiin inta badan way mucaaradaan ama ma teegeeraan ee way ka aamusaan. Madaxwayne kasta oo yimaada ha ahaado mid matalaya qaranka Soomaaliyeed ama mid matalaya maamul goboleedba.  markii xilka laga qaadana way raacaan dadkii la shaqaynayay iyo kuwii  mabda ahaan taageersanaa iyo qabiilkiisuba in yar mooyee, sabatuna waxa weeyaan dadka oo aan fahmin faa,iidada midnimada iyo hogaamiyayaasha oo aan dadka u sheegin in xukunku uu yahay meerto oo dadku ay wada leeyihiin. Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed intooda badani markii xilka laga qaado  ayay bilaabaa  dhaliil iyo  dhabar jabin xukunkii laga qaaday halkii ay ka taageeri lahaayeen una rajayn lahaayeen horumar.

 

Waxaan aad ugu hambalyaynayaa maamulka cusub ee Galmudug ee uu madaxda ka yahay Madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan u arko in uu ka shaqaynayo midnimada umada  Soomaaliyeed ee reer Galmudug, Waxaa aad ii soo jiitay markii aan arkay labadii madaxwayne ee  isaga ka horeeyay ee kala ahaa Mudane S/Gaas  Cabdi xasan Cawaale ( qaybdiid) iyo Mudane Maxamed Axmed Caalin oo aan hore isku taageerin kawada shaqaynta midnimada ay iminka isaga la shaqaynayaan iyagoo is garab taagan ama fadhiya, taasina waxay ku timid aqoonta iyo midnimo raadinta maamulka cusub ee Madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed

Waxa aan u soo jeedinayaa madaxwayne Cabdikariin  in uu ka digtoonaado  waxayaabaha maamulkiisa carqaladayn kara, oo jidka toosan ka leexin kara  sida talada odoyaasha dhaqanka oo mudo aad u dheer hor taagnaa umada Horumarkeeda una kala qoqobay qabiilooyin is neceb. Waa in uu adeegsadaa aqoontiisa noqdaana hogaamiye aan laga leexin Karin jidka toosan.  Waa in uu noqdaa   Hogaamiye adag ( Strong leader) ee aanu noqon Raace meeshii loo jiido ama  (Follower).

Dhamaan umada Soomaaliyeed ee reer Galmudug iyo dhamaan umada Soomaaliyeedba waxaan ilaahay uga baryayaa inay midoobaan sharaftii qarankana ay  soo celiyaan iskana ilaabaan qabiilka iyo tafaraaruqa.

Madaxwayne  Cabdikariin Xuseen Guuleedna  waxaan leeyahay

DARUUR NOO DA,DIYO

DURDUR GAAXSANAA

DARAJADA HELOO

DOORKEENI NOQO

MADAXWAYNE DADAAL

MIDNIMADA DUMOO

MAAMULKANA DIFAAC

DEKEDAHA DHISOO

MUSUQMAASUQ DIID

GAROOMADA DADOO

HOWSHU YAY DIB DHICIN

DALKU KUGU QABOW

DADKU KUU RIYAAQ

DAYAX IYO IFTIIN

DAWO CAAFIMAAD

DAA,IN KUGU MASAAL

 

DOWLADA GALMUDUGNA  WAXAAN  LEEYAHAY

DOWLADAAY DADAAL

BARLAMAAN DARYEEL

DANTA GUUD DIFAAC

DAGDAG HOWSHA QABO

 

Qore, Abwaan Sahra Dahir Mire

sahro

sahro

 

10 ku laabo mudug24 xiriir