Home Wararka Maanta War DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday...

War DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Isbitaalka Xooga ee Magaalada Muqdisho

0

 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo saaka lagu qaaday dhismaha isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarkam ayaa waxaa fuliyau dabley hubeysan oo illaa labo bam gacmeed ku tuuray gudaha isbitaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu weerarka dhacayey ay afaafka hore xerada uu ku dhex yaallo isbitaalka ay ku sugnaayeen dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan uu sababay khasaare u badan dhaawaca, kaas oo lagu sheegay illaa 9 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladdda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo dalab culus oo ku aadan Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya u gudbiyay Mareykanka(Sawiro)
Next articleAskari Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo Alshabaab kala Shaqeeyey weerar ay ku Qaadeen Garoonka aadan Cadde oo Dil Toogashaa lagu Xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here