Home Wararka Somaliya Puntland Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada...

Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Gaalkacyo oo la Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga gobolka Mudug oo ay ka arrimiso maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cilmi Cali Guuleed u geeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray rasaas kooxo hubeysan ay ku dhufteen habeen kahor.

Marxuumka oo saacadihii la soo dhaafay lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inuu xalay fiidkii u geeriyooday rasaas culus oo kaga dhacday madaxa, iyadoo dhaawiciisa uu ahaa mid aad u liita, taasoo keentay inuu 24 saac kadib u geeriyooday rasaasta haleeshay.

Qaban qaabada aaskiisa ayaa ka socota gobolka Mudug, waxaana la filayaa iney ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulada Puntand iyo Galmudug, iyadoo aaney jirin cid loo soo qabtay dilkiisa iyo koox wali sheegatay iney mas’uul ka eheyd toogashadiisa.

Si kastaba, dilka Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cilmi Cali Guuleed ayaa kusoo beegmay labo maalin kadib markii ay xabsiga Gaalkacyo ka baxsadeen saddex dhallinyaro ah oo katirsan Alshabab, oo dil ku xukumnaa, kana tirsanaa kooxda Alshabaab ee dilalka ka geysan jirtay Gaalkacyo.

 

 

Ad
Previous articleXog: Taliya NISA oo Safar ka Dhan ah Axmed Madoobe uu aaday Kenya
Next articleDeg Deg Jowhar Qarax Culus ayaa lagu weeraray Hotel ku yaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here