Home Wararka Maanta Roobab ma hiigaan Ah oo ka Da,ay Magaalada Gaalkacyo iyo khasaaro Xoogan...

Roobab ma hiigaan Ah oo ka Da,ay Magaalada Gaalkacyo iyo khasaaro Xoogan oo Ka dhashay

0

Magaalada Gaalkacyo waxaa xalay dhan ka da’ayay roob ma hiigaan ah, waxaana ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo burbur guryo dad shacab ah dagganaa.

Roobabkaan oo wato daadad xooggan ayaa Inta la ogyahay waxaa ku dhintay 2 qof, waxaana ku burburay ku dhawaan 100 guri oo ay dad shacab ah dagganaayeen.

Magaalada ayaa kala xiran saakay, dhallinyarada magaalada ayaa gurmad u fidinaya carruurta iyo haweenka, kuwaas oo uu illaa xalay ku kor socday roobka.

Gaalkacyo maanta waxey u baahantahay gurmadka shacabka Soomaaliyeed, dowladdooda dhexe iyo tan maamullada Galmudug iyo Puntland, si looga samata-bixiyo xaaladdaan adag ay gashay.

Ad
Previous articleTaliska Militariga Israel oo xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza
Next articleIsmaaciil Xaniyeh oo Gaaray magaalada Tehran ee Wadanka iiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here