Home Wararka Maanta Wasaaradda Amniga Galmudug oo shaacisay in Duqeyn iyo dagaal Lagu qaaday Saldhig...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo shaacisay in Duqeyn iyo dagaal Lagu qaaday Saldhig shabaab ee ku yaala Galmudug

0

Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa War ka soo saartay Duqmeyo iyo dagaal ka soconaya Qeybo Ka mid ah Gobalka Mudug.

Qoraal ka soobaxay Wasaarada Amniga Galmudug ayaa u qornaa sidaan ”

Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey.

Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgalaya ciidamada Qaranka ee kala duwan, kuwa Galmudug, naftood hurayaasha deegaanka iyo diyaaradaha maraykanka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen oo Magacaabay Musharaxiinta aqalka sare iyo Xildhibaano Mucaarad ah oo Laga saaray Liiska (Akhriso)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo laga dalbaday inuu soo Magacaabo Liiska Musharaxiinta aqalka sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here