Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo Ka Maqan(Sawiro)

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo Ka Maqan(Sawiro)

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Sidoo kale waxaa shirka ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo lagu doonayay in looga soo geliyo shirka maadaama ergo loo xilsaaray.

Saciid Deni ayaa haatan ku jira tartan doorasho oo adag, maadaama ay beri Puntland ka bilaabaneyso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale mdasha ka maqan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo isna haatan safar shaqo ku joogo magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay dalkaasi.

Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.
Ad
Previous articleAqalka hoggaamiyihii dilay in ka badan lix milyan oo Yuhuud ah oo qorshe cusub loo sameeyay
Next articleCaalim Tariq Ramadan oo lagu waayey dembi kufsi oo lagu eedeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here