Home Wararka caalamka Kulanka Midowga Yurub oo laga Soo Saaray Qodobo Ay Kamid Yihiin Visaha...

Kulanka Midowga Yurub oo laga Soo Saaray Qodobo Ay Kamid Yihiin Visaha Turkiga lagu Galo oo la Joojinayo iyo Arimo kale,,,Muuqaal + Warbixin,,

0

Wadamada Yurub Gaar Ahaan Midowga Yurub ayaa Soo saaray Dalabyo ku Aadan Dowlada Dalka Turkiga Si loo Yareeyo Qaxootiga Soo Gaaraya Waqooyiga Qaarada Yurub,

Midowga Yurub Ayaa Dalka Turkiga ugu Deeqaya Lacag Dhan $3.4bn Taasi oo lagu Fulinayo Joojinta Qaxootiga Dalka Turkiga kasoo Dhaqaaqa isla Markana soo Gala Yurub iyadoo Arinkaasi loo isticmaalayo Xadka Turkiga uu la Wadaago Yurub oo la Adkeenayo,

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Hogaamiyaasha Yurub Ayaa Maanta oo Jimco ah ku Kulmay Xaruunta Midowga Yurub ee Brussels Halkaasi oo ay kasoo Saareen Qorsho Ficil ku Saleysan waxana Dowlada Turkiga iyo Madaxweynaha Dalkasi laga Codsaday in Labo Milyan oo Suuriyan ah ( two million Syrian ) Kuwaasi oo Nolol lagu Siinayo Dalka Turkiga Si Halkaasi u Joogaan,

Sidoo kale Midowga Yurub Waxay isku Raaceen in la Adkeeyo Xuduudaha Dalalka Yurub iyo Turkiga iyadoo Arinkaasi lagu Yareenayo Qul Qulka qaxootiga ee Soo Gaara Waqooyiga Yurub,

Arimaha Visaha

Kulanka Maanta oo Jimco ah Dhexmaray Hogaamiyaasha Midowga Yurub Ayaa Dhanka kale Turkiga looga Codsaday Joojinta Visaha Dal ku Galka Taasi oo keentay in Dad Badan Turkiga Si Fudud ku soo Gaaraan isla Markana kadib Viso kale Ama Safar kale kaga Soo Baxa Dalka Turkiga,

Sidoo kale Waxaa looga Hadlay Dagaalada Suuriya iyo Dalka Ukraine,,

Mudug24, Sweden

Caydaruus Firginle

yurub

 

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here