Home Wararka Somaliya Galmudug oo Magacowday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Kuxigeenkiisa

Galmudug oo Magacowday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Kuxigeenkiisa

0
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Galmudug.
 
Madaxweynuhu: Markuu arkay;awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka
Wuxuu u magacaabay saraakiishan;
 
1. G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug
2. G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.
 
Ugu danbayntii, waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Ad
Previous articleGolah Musharixiinta Somaliya oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay Dambiile Qaran
Next articleSawiro:- Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here