Home Wararka Maanta Milatariga Mareykanka oo duqeyn ku dilay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

Milatariga Mareykanka oo duqeyn ku dilay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

0

Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in kadib markii ay codsi ka heleen dawladda Soomaaliya ay saddex duqaymood oo is difaacadid ah la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabab.

Duqaymahan ayaa dhacay xalay, waxayna ka dhaceen meel fog oo u dhow degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in hawlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal la galeen al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu qiimeeyey in hawlgalkan lagu dilay 10 ka tirsan al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo gaarin.

AFRICOM ayaa sheegtay inay sii wadi doonto qimaynta natiijada hawlgalkan, isla markaana bixin doonana faahfaahin dheeraad ah xilliga ku habboon.

Saddexda duqaymood ee xalay dhacay ayaa tirada duqaymaha Maraykanku ka gaystay Soomaaliya ee lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka ka dhigaya 13 duqaymood.

Ad
Previous articleAl-shabaab oo laga xoreeyay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose
Next articleJoe Biden oo Ukraine u duulay xilli uu taagan yahay muran ka dhashay talaabo uu Maraykanku qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here