Home Wararka Maanta Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Oo Digniin Adag Soo Saaray Kadib Qaraxyadii lagu...

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Oo Digniin Adag Soo Saaray Kadib Qaraxyadii lagu Hoobtay ee Shalay

0

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin ayaa ka hadlay dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab, isagoo fariin culus diray.

Taliye Muumin ayaa shacabka uga digay iney dhaqaale ku taageeraan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna qofkii taageero maaliyadeed kooxdaasi siiyay ku tilmaamay inuu la mid yahay kooxda.

“shacabka waxaan ugu baaqeenaa iney soo sheegaan qof kasta oo Shabaab ah oo dhaqaala soo weydiisto, qofkii shabaab hal doolar siiya hal xabad ayuu gaday, qofkii toban kun doolar siiya gaari qarax ayuu gaday, ma aqbaleeno in dhaqaalo magaaladaan laga aruurshay lagu gubo” ayuu yiri Jeneraal Muumin.

Hadalkan waxa uu ka sheegay madal lagu aasayay taliyihii booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo askar ilaalo u eheyd oo ku dhintay qaraxyadii Zoobe, waxaana lagu aasay isbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleRa’iisal wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka
Next articleJeneraal Biixi Oo Faah Faahiyay Qaabka loo Qabtay Deegaanka Masaajid Cali Guduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here