Home Wararka Somaliya Galmudug Taliyaha Ciidamada Lugta oo Gaaray Galmudug iyo abaabul Xoogan oo bilowday

Taliyaha Ciidamada Lugta oo Gaaray Galmudug iyo abaabul Xoogan oo bilowday

0

Taliyaha Ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya General Axmed Aadan ayaa gaaray degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud, halkaas oo fariinsin u ah cutubyo Ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka joogaan, isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga, waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagula dagaalamay Al Shabaab, waxa uuna sheegay in gwbogebo yihiin Al Shabaab.

Jeneraalka ayaa ciidanka ku war-galiyay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab oo la filayo in maalmaha soo socda ka bilowdo bariga Galgaduud.

Ad
Previous articleGabdho Somaaliyeed oo aroos kasoo Laabtay ku La,day Shil Baabuur
Next articleCiidamada Soomaaliya oo helay Diyaarado ay ku Duqeeyaan Alshabaab iyo Hub Wawayn Xili Dagaal Culus bilaaban Rabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here