Home Wararka Maanta Maxaa ku dhacay ninkii Biden ugu hanjabay in uu maanta toogan doono?

Maxaa ku dhacay ninkii Biden ugu hanjabay in uu maanta toogan doono?

0

Intii uu socday howlgal ay sameeyeen FBI-da waddanka Mareykanka ayaa waxay toogasho ku dileen nin baraha bulshada ku faafin jiray hanjabaado rabshado wata, oo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo saraakiil kale.

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay Craig Robertson isku dayayeen in ay fuliyaan amar qabasho oo ay waaran u haysteen, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaala gobolka Utah, saacado yar ka hor booqasho qorshaysnayd oo uu ku tagi lahaa madaxweyne Biden.

Dacwad dambiyeedda ayaa lagu sheegay in Robertson uu barta Facebook-ga soo dhigay hanjabaad ka dhan ah Biden iyo dacwad oogaha gacanta ku haya eedeymaha ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka ee Donald Trump.

FBI-da ayaa diiday inay bixiso faah-faahin dheeri ah ka bixiso dhacdada lagu toogtay Craig Robertson.

Weerarku ayaa se la sheegay in uu dhacay abbaaro 06:15 waqtiga maxalliga ah ee magaalada Provo, oo qiyaastii 65 km koonfurta ka xigta magaalada Salt Lake.

Dacwad dambiyeeddaas loo haystay ayaa lagu sheegay farriimaha uu Robertson ku baahiyay Facebook kuwaas oo ay ku jiraan sawirrada qoryo iyo hanjabaad ah inuu dilayo Mr Biden iyo Alvin Bragg, oo ah xeer ilaaliyaha degmada Manhattan ee hogaaminaya baaritaan ku saabsan lacag uu Mr Trump siiyay haweeneey la sheegay inuu la seexday si ay u qariso arrintaas.

Marka laga soo tago Biden iyo Alvin Bragg, farriimaha kale ee hanjabaadda ayaa waxaa lala beegsaday xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland iyo xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James.

‘Waxaan boodhka ka jafayaa qorigaygii M24-ka ahaa’

Robertson ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay: “Waxaan maqlaya Biden oo imanaya Utah. Sidaas darteed waxaan la soo baxaya direyskaygii hore, aniga oo sida oo kalana boodhka la sifeyn doona qorigaygii M24 ee meelaha fog wax ka toogta.”

Dacwadda ayaa lagu sheegay in hajbaadda Robertson ay soo baxday bishii March ka dib markii uu qoraal gooddin ah oo ka dhan ah Mr Bragg uusoo dhigay barta Truth Social, oo ah shabakadda bulsheed ee uu leeyahay Donald Trump.

Qoraalkaas Ka dib ayay shirkaddu waxay hanjabaadaas ku war galisay Xarunta FBI-da ee qaabbilsan Hawlgallada Khatarta ku ah Qaranka.

Saraakiisha FBI-da ayaa markaas booqday tuhmanaha, waxayna u sheegeen in hanjabaada u soo dhigay ay tahay “riyo”, xilligaas oo isna ku dooday in ay ‘waaran’ raadsadaan oo gurigiisa u dhaafaan.

Waxaana uu halkii ka sii waday Farriimaha hanjabaadda ahaa ilaa laga soo gadhayey Talaadadii, oo uu soo qoray: “laga yaabaa in Utah ay caan noqon doonto toddobaaskan, maadaama meeshan uu shuucigii Biden ahaa, nin ku toogan doono.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horreeyey ku tago Utah isagoo madaxweyne ah, halkaas oo uu booqan doona isbitaal ay leeyihiin ciidamada iyo xaflad deeq ururin ah oo ka dhici doonta Park City.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey khaasaraha Ka dhashay Qarixii Ismiidaminta ahaa ee ka Dhacay…
Next articleMucaradka Kenya iyo dowlada oo wadahadal bilaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here